Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan oo Garoowe soo gaaray

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa haatan soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Labada madaxweyne; Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe oo hal diyaarad ka soo qaadday magaalada Baydhabo ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen.Maxamed Bashir Hamaan,waxaa ku soo dhoweeyay madaxweynaha Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) oo safar dhulka ah uga soo kicitimay magaalada Gaalkacyo ayaa xilligan ku sugan degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal isagoo goor dhow uga soo gudbaya dhinaca magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu galabta ka furmo magaalada Garoowe,waxaana shirka ka maqan madaxweynaha Hirshabeelle Maxaamed Cabdi Waare oo la sheegay in golaha laga saaray kadib markii uu la heshiisyay dowladda dhexe.

Qodobada shirkan looga hadlayo weli faahfaahin lagama hayo,laakiin wuxuu ku soo aadayaa xilli khilaaf u dhexeeyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda golaha islaashiga dowlad goboleedyada oo qaarkood doorasho ku soo fool leedahay.

PUNTLAND POST