Xasan Sheekh ” Dowlada hadda jirto faragalinta haka deeyso maamul Goboleedyada”

Madaxweynihii hore ee Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso maamul goboleedyada dalka ka jira.

Xasan Sheekh Ayaa sheegay in dowlada hadda jirta ay wado cadaadis ka dhan maamul goboleedyada islamarkaasina ay dooneeyso in ay faragalin ku sameeyso maamu goboleedyada dalka ka jira.

Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay faragalinta ka deeyso maamul goboleedyada dalka ka jira si shaqadooda ay u qabsadaan.

Qilaaf ayaa ka dhexjira dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira iyada oo dowlada ay heshiis rasmi ah la gashay maamul goboleedyada.

Hoos ka Dhageeyso codka Xasan Sheekh.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland PostÂ