Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Ayaa gaaray goordhow oo maanta Jimco ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Gen Indhaqarshe ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada magaalada Kismaayo waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeeyb qaatay masuuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada cdowlada ee ku sugan Kismaayo,

Taliye Indha qarshe ayaa lagu wadaa in uu gaaray furumaha hore ee dagaalka ciidamada ay ku leeyihiin deeganada maamulka Jubbaland.

Gaarista taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo beegmeeyso xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samater Cowke

Puntland Post Muqdisho