Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay Musharraxnimada Sheekh Mutkhaar Roobow

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ololaha doorasho ee uu wado Sheekh Muqtaar Roobow Cali [Abu-mansur] oo horey uga tirsanaan jiray Kooxda Al-shabaab.

Xasan Sheekh, ayaa wuxuu sheegay illaa hadda inaysan caddeyn mawqifka Abu-mansur ee ku aaddan ka bixitaankiisa Al-shabaab, kaasoo ka mid ah xubnaha musharraxiinta ah ee u taagan hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al-shabaab, si ay ummadda ugu caddaato mowqifkiisii hore iyo midkan cusub ee uu cagaha la galay.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan sax ahayn in hadda uu Sh. Abu-Mansuur isku soo taago doorasho, maadaama weli uusan caddeyn inuu ka tanaasulay fikirka argagixisinimada, wuxuu kaloo sheegay in illaa hadda ciidamadii uu watay ay ku jiraan duurka.

“Waa jiraa qodob dastuuri ah oo ah inuu jago u tartami karo maadaama uu yahay muwaadin, wax ka reebi karana ma jirto, balse waxaan qabaa inaysan sax ahayn hadda inuu isku soo taago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Sheekh Roobow weli ma caddeyn inuu ka soo hor-jeedo argagixisada. Waa jirtaa in Al-shabaab iyo isaga ay dirirsan yihiin, wax dhib ahna ma lahan, waayo dhexdooda ayay maalin ka dagalaamaan, Wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hadda aysan wanaagsaneyn in uu xil isku soo sharraxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Hadalka Xasan Sheekh aya kusoo beegmaya iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ahaa ku xigeenkii hoggaanka Al-shabaab iyo weliba af-hayeenkii hore ee kooxdaas, wuxuuna u taagan yahay inuu qabto xilka ugu sarreeya maamulka Koonfur-galbeed Somalia, inakstoo ay mas’uuliyiin kale oo fara badan ay kula tartamayaan xilka.

DHAGEYSO: Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadlay Arrintan;

PUNTLAND POST