FARMAAJO oo Qiray in Culeys Siyaasadeed ay kala Kulmeen Go’aannadooda Deg-degga ah

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somalia iyo saameynta ay ku yeesheen khilaafka dalalka Khaliijka.

Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga doonayo siyaasad toosan oo dhinaca arrimaha dibada ah, isla markaana ay muhiim tahay in dal walba dowladddu ka yeelato siyaasad cad.

Sidoo kale, Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Khilaafka Khaliijka uu culeys siyaasadeed kala kulantay Dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku baaqay in la xadido arrimaha siyaasadeed ee saameynta ku yeelan kara dalkeenna.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayuu ugu baaqay inay la timaado qorsho cad oo taageero looga raadinayo dalalka Caalamka, balse kama uusan hadlin qoraallada deg-degga ah ee lasoo saaro markii uu jiro khilaaf u dhexeeya dalalka caalamka iyo kuwa carabta.

Walaaca uu muujiyay madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo yar uu ka hor ay wasaaradda arrimaha dibadda soo saartay qoraal ay ku taageerayso Sucuudiga, kaddib markii uu muran ka dhashay dilkii loo geystay wariyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamal Kashoggi, taasoo si weyn loogu cambaareeyay dowladda Soomaaliya.

Ugu dabmeyn, Dowladda Somalia ayaa Mowqif dhex dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka soo dhex-galay, laakiin siyaasiyiin badan ayaa aaminsan inay dowladda la safatay dowladda Qatar oo xiriir wanaagsan la leh Madaxda Dowladda Federaalka Somalia.

DHAGEYSO: Hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Arrintaan;

PUNTLAND POST