Trump Oo Turkiga Ka Codsaday Inay U Soo Gudbiyaan Caddaymaha Kiiska Khashoggi

Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa  ka dalbaday Madaxda Turkiga inay u soo gudbiyaan caddaymaha codadka iyo muuqaalada ee ku xiriirsan Kiiska Jamaal Khashoggi.

Trump Waxa kale oo uu sheegay in Sacuudiga tahay Isbahaysi ay Maraykanka ku leeyihiin Mandiqada Bariga Dhexe.

Waxa kale oo uu beeniyay in u difaacayo  boqortooyada Sacuudiga taasi oo ku saabsan dilka laga shakisan yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Balse waxa uu sheegay in Mareykanka aysan marnaba meel cidlo ah uga dhaqaaqayn wadamada ay saaxibka yihiin.

Mr Trump ayaa intaa ku daray in uu rajaynayo in boqorka Sacuudiga iyo dhaxal-sugaha aysan waxba kala socon waxa dhacay.

Dhanka kale koox ka socota baarayaasha Turkiga ayaa baaritaan ku samaynaya guriga uu Istanbul ka dagan yahay qunsulka sacuudiga si halkaasi looga baadigoobo caddeymo ku aadan shakiga ah in Mr Khashoggi la dilay.

Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu hayo boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan inay meel ku sheegaan wariye Jamal Khashoggi.

Jamal Khashoggi ayaa ahaa wariye daggan dalka Mareykanka islamarkana u shaqeeya wargayska Washinton Post.

Wariyaha ayaa si aad ah u dhaliili jiray qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Cabdiqani Boos

Puntland Post