Muqdisho oo lagu soo Gunaanaday Carwadii u horeysay ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

Muqdisho (PP) ─ Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan eek a shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’adad dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan.

Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay ay kula kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada. Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay. “Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Somalia, Cabdi Cashuur oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin.

“Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda. Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay.

PUNTLAND POST