Madaxweyne Farmaajo oo shir-gudoominayay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirrada Somalia

Muqdisho (PP) ─ Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Somalia, isagoo ka jeediyay hadal u badnaa ammaan uu  u soo jeediyay RW Khayre iyo Golihiisa wasiirrada.

Kulanka Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka ay qabtaan sida; tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo cadaaladda, siyaasadda loo dhan-yahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Xukuumadda Khayre ku ammaanay shaqada ay qabtee oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, isagoo sheegay inay wanaagsan taha wadashaqeynta madaxda Qaranku, taasoo sabab u ah buu yiri wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabbo-gelinta Qorshaha Qaranka.

Sidoo kale, Madaxwayne Farmaajo ayaa Xukuumadda kula dardaarmay inay sii laba-jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si buu yiri guul looga gaaro fulinta qorshayaasha Qaranka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Golaha wasiirrada Somalia inay toddobaadyad soo socda ansixiyaan sharciga doorashooyinka dalka si ay baarlamaaku ku ansixiyaan, isagoo xusay in haddii aan sidaas la sameyn uu waqti badan ka lumayo.

“Waxaan codsanayaa in golaha wasiirradu dalka ay meel-mariyaan hindise-sharciyeedka doorashooyinka dalka, si aanu waqti inooga lumen ayna isla sharcigan u meel-mariyaan baarlamaanka bisha December ee sannadkan lagu jiro,” ayuu yiri Farmaajo oo u muuqday inuu arrintaan si aad ah ugu adkeynayo golaha wasiirrada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay safarkii uu dhawaan ku tagay magaalada Marko, isgaoo sheegay in magaaldaas ay ku wanaagsan tahay dalxiiska, loona baahan yahay in wax laga qabto waxbarashada ilmaha ku nool magaaladaas oo uu sheegay inaysan haysan waxbarasho.

PUNTLAND POST