UGANDA: Askar ayaa Marko nooga dhimaatay intii uu Socdaalka ku joogay MD Farmaajo


Kampala (PP) ─
Dowladda Uganda ayaa maanta sheegtay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, intii uu Madaxweyne  Farmaajo booqashada ku joogay degmadaas.

Sarkaal u hadlay taliska ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in ciidamadooda lagu dilay laguna dhaawacay weerar ay soo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ku-xigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda, Col. Deo Akiiki Asiimwe oo l hadlay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in askartooda la dilay xilli ay ku jireen roondo lagu sugayay am iga madaxweyne Farmaajo oo xilliaas Marko ku sugnaa.

“Weerar ay Al-shabaab soo qaaday intii uu Madaxweyne Farmaajo joogay degmada Marko ayaa waxaa lagu dilay laba ka mid ah askarteenna, sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay tiro kale,” ayuu yiri Col. Asiimwe.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dhaawacyad lagu daweynayo gudaha degmada Marko, balse maydadka la gaarsiiyay Muqdisho si loogu qaado dalka Uganda oo lagu aasi doono.

Dhaka kale, Warar laga helayo Marko habeenkii uu Madaxweynuhu joogay ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhawr jeer weerareen fariisinta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Marko, si madaxweynaha iyo wafdigiisa khasaare ugu geystaan, balse uma suuro-gelin.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay isku dayeen dhawr jeer inay gudaha u gasho xarada oo uu ku sugnaa madaxweynaha, waxaana tani ay ahayd markii ugu horreysay oo khatar la geliyo madaxweyne Farmaajo oo safar ku jooga qaybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin hadalka afhayeenka uu sheegay in askartooda khasaare loogu geystay degmada Marko intii uu safarka ku joogay Farmaajo, balse taas badalkeed ayay dowladdu sheegtay in madaxweynuhu heshiisiiyay laba beelood oo muddo sannado ah uu dagaal u dhexeeyay.

PUNTLAND POST