Xildhibaano laga hor istaagay ka qeeybgalka kulanka Baarlamaanka

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laga hor istaagay ka qeeybgalka kulankii baarlamaanka ee maanta .

Xildhibaanada ayaa askar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka hor istaageen in fadhigii maanta ay ka qeeybgalaan.

Xildhibaanadaan laga hor istaagay kulanka Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Xildh. C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, Xildh. C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Xildh. Mahad Maxamad Salaad  iyo Xildh. Axmed Macalin Fiqi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayeey ugudbiyeen cabasho ay arintaasi ka muujinayaan islamarkaasina ay ku dalbanayaan in baaritaano lagu sameeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isna fadhigii Baarlamaanka maanta ka sheegay in la dhoowro xasaanada mudanayaasha Baarlamaanka.

Xildhibaanada maanta laga hor istaagay fadhiga Baarlamaanka ayaa waxa ay kamid yihiin xildhibaanada siyaasad ahaan dhaliishan siyaasada dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka Dhageeyso Codka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho