Wasiirada arimaha dibada Ethopia iyo Ereteria oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa Goordhoweyd garoonka Muqdisho ka soo dagay wafdi ka socdo dowladaha Ethopia iyo Ereteria kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Wafdigaasi ayaa waxaa ay kala yihiin wasiirka arimaha Dibada Dalka Ereteria Cusmaan Saalax iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigaasi ka socdo dowladaha Ereteria iyo Ethopia.

Wafdigaasi ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda sare ee dalka Soomaaliya sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Amaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray inta badan wadooyinka Muqdisho.

Filo faah faahin intaa ka badan insha allah 

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho