Wafdi ka socda Dowladaha Ethiopia iyo Ereteria oo ku soo wajahan Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay soo gaaraan wafdi ka socdo dowladaha Ethiopia iyo Ereteria.

Waxaa Muqdisho laga dareemayaa soo dhoweeynta wafdigaasi oo ka soo caga dhigan doono garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho saacadaha soo socdo.

Wafdigaan ayaa dhinaca Ereteria waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi oo ay wehlinayaan xubno sar sare oo katirsan dowlada Ereteria.

Dhinaca wasiirka arimaha dibada Itoobiya ,saraakiil iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Itoobiya ayaa iyaguna imaan doono magaaalda Muqdisho.

Madaxdaasi ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda dalka ugu sareeyo sida madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha iyo madaxda kale ee dowlada.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goor hore oo saaka ah la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Faah faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho