RW Khayr oo Shaqadii ka joojiyay mid ka mid ah Wasiir ku-xigeennada Xukuumaddiisa

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada ka joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Somalia, Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye [Shaakuud].

Wasiir ku xigeenka oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, ayaa Waxaa sababta shaqada looga joojiyay lagu sheegay codsi ka yimid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir.

Sidoo kale, Sababaha ugu weyn ee shaqo-joojinta wasiir ku-xigeenka ayaa lagu sheegayaa xildhibaankii dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay inuu hawlahooda u fududeynayay shabakad ku howlaneed dhaqista Doollarka been-abuurka ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale, Hay’adda NISA ayaa shabakada la qabtay waxay xilligaas ku sheegtay in xildhibaankan uu u sahlayay fududeynta hawsha ay wateen, iyadoo la filayo in sababtaas awgeed shaqada looga joojiyay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xeer-ilaailnta Qaranka ay billowday in ay su’aalo ka weydiinayso wasiir ku xigeenka shaqada laga oojiyay eedda loosoo jeediyay, iyadoo aan la ogeyn inta ay baaristu socon doonto.

Ugu dambeyn, Waa Wasiirkii ugu horeeyay oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo shaqada looga joojiyo arrimo la xiriira ku lug lahaanshaha shabakad ku shaqeysan jirtay dhaqida Doollarka been abuurka ah.

PUNTLAND POST