Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyn diyaaradeed ay ku dishay 60-dagaalame oo katirsan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.
Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganeeysa saraakiil katirsan dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyn ka dhacday 12-kii Bishaan duleedka degmada Xaradheer ee gobolka Mudug lagu dilay 60-dagaalame.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyntaasi ay tahay tii ugu qasaaraha badneyd ee sanadkaan ay ka geeystaan Soomaaliya.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa duqeeymo lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab waxa ay ka geeystaa wadanka Soomaaliya.
Wali Al-shabaab kama hadlin sheegashadaan Mareykanka uu sheegay in duqeeyn uu ku dilay 60 dagalaame oo katirsan Al-shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post