Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirada arimaha dibada ee Itoobiya iyo Ereteria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee  Ereteriya iyo Itoobiya .

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Mudane Osman Saleh oo ah wasiirka arimaha dibada ee Ereterea  iyo Mudane Workneh Gebeyehu oo ah wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya.

Wasiirada ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan sharafeed ay uga sideen  Madaxweyne Isaias Afwerki Madaxweyne Ereteria  iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ah Ra’isilwasaare Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan dhibaatooyin ka taagan wadamada geeska Afrika iyo arimo kale.

Sidoo kale kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirada arimaha dibada iyo gudaha ee xukuumada federaalka Somalia

Wasiirada arimaha dibada ee wadamada Ereterea iyo Ethiopia ayaa maanta soo gaaray Muqdisho oo si weeyn loogu soo dhoweeyay.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho