Gen Indho Qarshe ” Waxaan bur burinay Doomo ay lahaayeen Al-shabaab”

Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku guuleeysteen in ay bur buriyaan dooman ay lahaayeen Al-Shabaab.

Howlgalkaasi ayuu sheegay in ciidamada dowlada ay ka sameeyeen gobolka Sh/Dhexe doomankaasi uu sheegay in Al-shabaab ay u adeegsan jireeyn in ay isaga gudbaan wabiga mara gobolada Sh/Dhexe Sh/hoose iyo Hiiraan.

General Indha Qarshe ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay qaadayaan weeraro culus oo ay ku qaadayaan goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Al-shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha dhulka Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa wada diyaargaroow culus oo ku aadan sidii Al-shabaab ay uga saari lahaayeen deeganada ay maamulaan.

Hoos ka Dhageeyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho