Ethiopian Airline oo bilaabeeysa duulimaadyo Toos ah Muqdisho iyo Addais Abbaba

Shirkada diyaarada ee Ethopian Airline ayaa sheegtay in ay bilaabeyso duulimaadyo toos ah oo Muqdisho Addis Abbaba ah dhawaan.

Qoraal ka soo baxay shirkada duulimaadyada ee Itoobiya ayey ku sheegtay in duulimaadka tooska ah ee isku xiri doono Muqdisho iyo Addis Ababa uu bilaaban doono 2-da Bisha soo socoto ee November haddii alle idmo.

Shirkada Itoobiyaan Airline ayaa duulimaadyo 3 bari ah isaga kala gooshi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxda diyaarada Itoobiyaaan Airline.

Maalamaha Isniinta , Arbacada iyo Jimcaha ayuu duulimaadkaasi dhici doono.

Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Ethiopian Airline 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho