Wasiir arimaha Dibada Soomaliya ’’Sucuudiga waxan ku taageernay Cadaadis uga yimid Dawladaha Caalamka”

Muqdish-[Puntland Post] Dowladda Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, kaasi oo lagu taageerayay dowladda Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay in Soomaliya ay Sucuudiga ku taageerayso arinta wariyaha la laayahay ee Sucuudiga loo haysto.

Dawladaha Caalamka ayaa cadaadis ku saaraya xukuumadda Riyaad in ay caddeyso halkii uu ku dambeeyay weriye Sucuudiga u dhashay oo lagu tuhunsan yahay in ay khaarijisay dowladda Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacada BBC ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay mihiimada uu daaran yahay war-saxafadeedkoodu iyo ujeedada ay ka leeyihiin.

Cabdiqani Boos

Puntland Post