Wargaysyada Caalamka oo qoraya in Sucuudigu saaka Cadaysanayo Dilkii Wariyihii Qunsuliyadooda lagu dilay.

Puntland Post-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  dilkii Weriyaha u dhashay dalka Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi.

Dilka Jamal Khashoggi ayaa ka dhex dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga, ay ku leedahay waxaana la cadeeyay in maalintii uu dilku dhacayeye la fasaxay shaqalaha safaarada  sida lagu helayo baaritaano hordhac ah.

Howlwadeenada Safaarada waxa sida oo kale la sheegaya in ay mamnuucen in amar la’aan la soo galo xarunta oo ay ka soctay howlgalka lagu dilaayay Jamal Khashoggi.

Warar kala duwan oo saaka ay daabacayaan Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoraaya in boqortooyada ay maanta si rasmi ah u shaacin doonto dilka wariyaha loo haysto.

Sacuudiga ayaa shaacinta dilka Jamal Khashoggi ku dhiiraday kadib markii ay soo foodsaartay culeysyo kaga imaanaya reer galbeedka iyoTurkiga oo aad uga carooday qaabka uu dalkiisa uga dhacay dilkan.

Jaraa’idyadu waxa ay daabaceen in Jamal Khashoggi markiisii hore lagu khaldamay, balse uu dhintay xili lagu hayay baaritaankii ka danbeeyay xarigiisa.

Waxa ay Jaraa’idyadu qoreen in dowlada Sacuudiga ay buunbuuninta dilka Jamal Khashoggi ku tuhmayso dowladaha Qatar iyo Turkiga oo ay ku eedeysay in dagaalkooda ay u rogeen saxaafada.

Weriye magaciisa lagu sheegay Hemza oo wareysi hordhaca la sameeyay qaar kamid ah Saraakiisha danbi barista ee gacanta ku haya kiiska ayaa sheegay in Sacuudiga ay ku cadahay dilka Jamal Khashoggi.

Hemza oo ka howlgala Telefeshinka Qaranka Turkiga ayaa boggiisa kusoo daabacay in dowlada Turkiga ay dhankeeda si rasmi ah saaka ugu dhawaaqi doonto baaritaanka oo maraaya gabagabo.

Sidoo kale, Telefeshinada Al-Jazeera iyo CNN ayaa saacado un ka hor sheegay in khubarada Turkiga ee gacanta ku haya kiiska baaritaanka dilka Jamal Khashoggi uu yahay mid cad isla markaan ay Sacuudiga u harsan tahay keliya inay ku dhawaaqdo.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudaha qunsuliyadda ay ka dhex heleen caddeymo muujinaya in Sacuudiga ay isku dayeen inay qariyaan caddeymo muujinayey in Jamal Khashaggi la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha carbeed iyo kuwa reer galbeedka ayaa maanta si wada jira u sugaaya in Sacuudiga uu qirto dilka Jamaal, wallow Jaraa’idku ay qorayaan in Jamaal leysku dayay in la suuxiyo si loogu qaado Riyadh, hase yeeshee uu ku dhintay howlgalka socday.

Cabdiqani Boos

Puntland Post