Akhirso:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo magacaabay Wasiiro cusub

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa 20 xubnood oo cusub u magacaabay wasaaradaha kala duwan ee dalka Itoobiya, waxaana uu ku dhawaaqay in la dhimay Wasiiradii tiradda badnaa ee dalkaas.

Golaha Wakiillada Itoobiya ayaa ansixiyay dhammaan magacaabidda golaha Wasiiradda cusub.

Tobban haween ah ayaa kamid ah Wasiiradda uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed, waana markii ugu horreysay oo qoondo intaasi la eg ay helaan haweenka Itoobiya.

Ahmed Shide oo Soomaali ah horayna dalka Itoobiya kaga soo qabtay Wasaarado kala duwan ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda.

Hoos ka ka akhriso magacyada Wasiiradda Itoobiya

Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil, waxayna iska casishay Afhayeenka Gollaha Baarlamaanka Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad

Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide

Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex

Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte

Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria

Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick

Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye

Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele

Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco

Sarkaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye

Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman

Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar

Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw

Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye

Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa

Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta ——– Dr. Fitsem Assefa

Cabdiqani Boos 

Puntland Post