Ra’iisul wasaare Kheyre oo goordhow ku wajahan Jowhar

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Qaban-qaabo balaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabelle ayaa Jowhar ka wada qaban-qaabo balaaran oo Ra’iisul wasaare Kheyre lagu soo dhoweynayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo bulshada iyo maamulka Hirshabelle islamarkaasina uu kala hadlo xaaladaha deegaanadooda.

Dhowaan ayey aheyd markii la xaliyay mooshin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare inkastoo markii dambe ay ka laabteen.

Waxaa soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho