Minnesota : Gabdho Soomaaliyeed oo la weeysanaa oo meeydkooda la helay

Labo gabdhood asalkoodu uu yahay Soomaali ku noolaa magaalada Minnesota  ee dalka Mareykanka islamarkaasina la waayay ayaa meeydadkooda la helay.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Bushra Abd iyo Habsa Abdi said Abdalla.

Labadaan gabdhood ayaa la waayay Sabtigii xili ay ka soo rawaxeeyn goobtooda shaqo islamarkaasina wada saarnaa gaari markii cid ugu war dambeeysay.

Ugu dambeeyn qoyska gabdhahaasi Soomaaliyeed ayaa ka helay meydka gabdhahooda haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis

Qoyka gabdhaha meydkooda la helay ayaa warbaahinta u sheegay in aanay garaneeynin waxa dhacay iyo qaabka gabdhahooda ay u dhinteen.

Wali booliska dalka Mareykanka  faah faahin rasmi ah kama bixin gabdhahaan iyo qaabka ay u dhinteen.

Dalka Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa ka dhaca dhibaatooyin kooxo burcad ah ay u geeysteen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post