Khayre oo ka dhagax dhigay Hir-shabeelle Mashaariic Horumarineed

Jawhar-[Puntland Post]-Ra’iisul wasaaraha dawlada Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta gaaray magaalada Jawhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda Maamulkasi.

Munaasabadda kooban oo lagu dhagax-dhigayay Mashaariicdan waxa goob jog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabilsan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, Madaxwaynaha Hir-shabeelle, iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo goobta ka hadlay waxa uu umahad celiyay dawladda federaalka Soomaaliya  mashaariicda ay ka hirgalinayso Magaalada Jawhar   isagoona sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST