Dowlada Soomaaliya oo taageertay Sucuudiga (War-saxaafadeed)

Dowlada Soomaaliya ayaa markale la safatay islamarkaasina taageero u muujisay dowlada Sucuudiga oo wajaheysa cadaadisyo kaga imaanaya wadamada reer galbeedka.

War-saxafadeed ku qoron afka carabiga oo ay soo saartay Wasaaradda arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageero u muujineyso Sucuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”

Dowlada Suduudiga ayaa la kulmeeysa dhaleeceeyn kaga imaaneeyso dibada kadib tuhunkii Wariye Jamaal Khashoggi oo kamid ahaa dadka ka soo horjeeyday Boqortooyada Sucuudiga oo lagu eedeeyay in ay dileen ciidamo gaar ah oo Sucuudiyaan ah.

Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya

Dhammaad

Xasan Maxamed Samatar Cowke

PUNTLAND POST