Ciidamada amaanka oo Baydhabo ku qabtay Al-shabaab hubeeysnaa

kadib qaraxyo is xig xigay oo habeen ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ciidamada amaanku waxa ay xalay sameeyeen howlgalo culus.

Ciidamada ayaa howlgalkaasi waxa ay ka sameeyeen guri bartilmaameed u ahaa ciidamada amaanka maamulka Koonfur galbeed.

Ciidamada ayaa gurigaasi ka soo qabtay labo nin oo ay sheegeen in ay hubeeysnaayeen islamarkaasina ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ragaasi isla xalay u dhaadhiciyay xabsiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Magaalada Baydhabo oo ay ka socoto ololaha doorashada ee maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post