Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland,Maxamuud Axmed Caynab oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa ka warbixiyay xaaladda roobabka deyrta ee degaannada gobolkaasi.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan gobolka Gardafu’ intiisa badan aysan ka da’in roobabka deyrta,marka laga reebo dhulka sii jeedka buuraleyda ah ee ay kamid yihiin Muudiye iyo Hursade,halkaas oo ay ka da’day hogol lagu diirsaday.
Sidoo kale mudane Caynab oo aan wax ka weydiinay duufaanta la saadaaliyay in ay gobolka ku soo wajahantahay? Ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan wax dabayl iyo duufaan ah arag,balse ay bulshada ku nool gobolka digniin ku siiyeen in ay taxaddar dheeri ah ka yeeshaan.
Wuxuu intaas raaciyay in cimilada xilligaan ee gobolka Gardafu’ ay u muuqato jawi roobaad,iyadoo dhinaca xeebaha xiga laga arko saylaamo(madaxyo roobab meel fog ka muuqda) islamarkaana wakhti kasta roob la filan karo.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xusay warar laga helayo dhanka dalka Cummaan oo sheegaya in duufaantii laga cabsi qabay ay isu’ rogtay roobab mahiigaan ah oo dabaylo aan badneyn wata.
PUNTLAND POST