Muqtaar Rooboow ” Al-shabaab dadkii waa xasuuqeen ee Shacabku ha iska dhiciyaan”

Muqtara Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya horayna uga mid ahaa saraakiisha sar sar ee Al-Shabaab ayaa ka hadlay qarixii shalay galinkii dambe ka dhacay Baydhabo.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in qaraxaasi dhacay uu aad uga xunyahay isaga oo sheegay in masuuliyada qaraxaasi ay leedahay Al-Shabaab.

Kooxdii uu ka tirsanaa ayuu ku dhaliilay in dhiiga dadka Soomaaliyeed ay si micno daro ah ay ku daadiso maalinkasta.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka hortagaan oo ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka ay u geeysanayaan Al-Shabaab.

Shalay galinkii dambe ayaa qaraxyo mataano ahaa oo qasaare geeystay waxa ay ka dhaceen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post