Maxkamada ciidamada oo toogtay nin ku eedeeysanaa qarixii 14 Octobar

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goordhow xukun dil ah ku fulisay mid kamid ahaa dadkii ku eedeeysnaa weerarkii sanad ka hor maanta oo kale 14-kii Octbar sanadkii 2017-ka dhacay Muqdisho .

Maxkmada ayaa saaka oo Axad agh dil ku fulusiay Xasan Aadan Cali oo 32 jir ahaa loona heeysto in uu wax ka soo abaabulay weerarkaasi dadka badan ay ku dhinteen.

Sida ay sheegtay maxkmada ayaa sidoo kale Xasan Aadan Cali waxa uu masuul ka ahaa gaarigii ku qarxay degmada Wadajir isla maalintii 14-ka Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka.

Goobta toogashada ayaa aheyd iskuul Boloosiyo degmada Xamar Jajab ee Muqdisho waxaa u soo daawasho tagay qaar kamid ah Dadka Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho