Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhw gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Amaanka magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xiran isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Marko.

Magaalada Marko waxaa dhowaan laga saaray dhaq dhaqaaq hubeeysan ee Al-shabaab oo in muddo ah maamulayay degmadaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo guutada 14-Octobar oo ah dhalinyaro ka dhalatay kadib qarixii 14-kii Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka dha dhacay Muqdisho oo iyagu halkaasi fariisin ku leh.

Faah Faahin dib Puntland Post ugala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho