Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ee maamulkaasi Gal-Mudug.
Dhowr jeer oo ay dib u dhacday ayuu ugu dambeeyn madaxweyne Xaaf ku dhawaaqay goordhow golihiisa wasiirada ee maamulka Gal-Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay 25 Wasiir.
Hoos ka aqriso magacyada wasiirada la magacaabay.
1-Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose
2-Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka .
3-Mudane Saciid Siyaad Shirwac : Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha
4-Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha
5-Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah
6-Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada
7-Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda
8-Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta
9-Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha
10-Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
11-Mudane-cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka
12-Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada
13-Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta
14-Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasarada Beeraha iyo xanaada xoolaha
15-Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada biiada dhirta iyo daaqa
16-Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka
17-Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka
18-Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
19-Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka
20-Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada
21-Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka wasaarada Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha
22-Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda
23-Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga
24-Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka
25-Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta
DHAMAAD
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post