Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ku taliyay in laga Hor-tago Falalka Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa maanta ka hadlay sannad-guuradii dadki lagu dilay weerarkii 14-kii October ee sanadkii 2017, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad shacaba ah sidan loo laayo.

“Maanta waa maalin aan xusuusanayno 587 qof oo lagu dilay weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacay Muqdihso, weerarkaas oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 316-qof oo wiilal iyo gabadho Soomaliyeed ah,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Sidoo kale, Ergayga ayaa wuxuu ALLE uga baryay intii weerarkaas lagu dilay inuu u naxariisto, inta dhaawacyada weli qabana uu caafimaad deg-deg ah siiyo. Wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid arxan-darro ah.

“Iyadoo 12-bilood laga joogo markii sida naxariis-darrada ah ay Kooxda Al-shabaab ugu laysay shacabka Soomaaliyeed, ayna weli sii wadaan laynta shacabka Soomaaliyeed, waxaan ku talinaynaa in laga hortago fal walba oo noocan oo kale ah,” ayuu Danjiruhu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay inay mar kale ku celinayaan cambaareyn kale oo ka dhan ah weerarada Al-shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in dadkii weerarkaas lagu dilay ay mudan yihiin in la xusuusto oo duceeyo, balse loo baahan yahay in loo midoobo kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dhanka kale, Wakiilku wuxuu carrabka ku dhuftay inuu uga mahad-celinayo ciidamada xoogga Somaila sida ay uga go’an tahay inay Al-shabaab ka hor-joogsadaan inay dibaatooyin noocan oo kale ah ka geysataan Somalia, inkastoo uu xusay inay jiraan weli dhibaatooyin ay kooxdu geysanayso.

Ugu dambeyn, Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay inay si waddo garab-istaagga ay garab-taagan tahay Dowladda Federaalka Somalia sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

PUNTLAND POST