Booqashadii Farmaajo uu ku tagay Marko iyo Kulammo uu la qaatay Dhinacyo kala Duwan

Marko (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa la qaatay kulammmo xogwareysi ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleeshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo wada-tashi ah wuxuu la qaatay wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen Wax-garadka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Al-shabaab.

PUNTLAND POST