Warbixino hordhaca oo la helay ayaa muujinaya in wariyiihii lagu dhex dilay qunsuliyada sacuudiga ee Istanbul

Puntland Post-Saraakiil ka tirsan dawlada Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in saxafiga la la’yahay ee u dhashay sacuudiga lagu dhex dilay gudaha dhismaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Madax u hadashay laamaha amniga Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in muuqaalo iyo codad ay hayaan ay muujinayaan in saxafiga lagu khaarijiyay gudaha dhismaha.

Saxafigan oo marar badan Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu wardanbeysay in la arko galay gudaha dhismaha qunsuliyada sacuudiga ee magaalada IstanbulS iyadoo xukuumada sacuudiga ay beenisay in ay iyadu ku lug leedahay wariyahan muuqiisa la waayay.

Dhanka kale mas,uuliyiinta qunsuliyada ayaa sheegay in wariyahan uu ka tagay dhismaha markii uu dhameystay danihii uu u tagay.

Baadi goobka wariye Jamal ayaa wali waxaa wada saraakiil ka tirsan ciidamada Turkiga iyo kuwo u dhashay Sacuudiga iyadoo shalay Mareykanka uu sheegay in uu qeyb ka yahay baadi goobka wariye Jamal.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post