FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay labadii Qarax ee ka dhacay Magaalada Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, in ka badan labaatan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo maqribnimadii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Qaraxyadan ayaa waxay kala ahaayeen mid uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday maqaayad laga cunteeyo iyo bam ah kuwa gacanta laga tuuro oo isna lagu weeraray hoteel halkaas ka dhawaa.

“Waxaan arkay dhimashada in ka badan 15-qof, waxaana jiray dhaawacyo kala duwan oo la dhigay isbitaalka Baydhabo, runtii Qaraxyadan aad ayay u argagax-geliyeen shacabka Baydhabo ku nool,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah saraakiisha amniga maamulka Koonfur-galbeed.

Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa 245-km dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho, waxaana magaaladaas ay xilliyadii ugu dambeeyay isku diyaarinaysay inay ka dhacaan doorashooyin lagu soo xulanayo madaxweynaha cusub ee maamulka ay xarunta u tahay.

Ururka Al-shabaab ayaa durba sheegtay inay mas’uul ka yihiin weeraradii ka dhacay Baydhabo, iyagoo sheegay inay ku dileen xubno muhiim ah, inkastoo aysan xusin magacyadooda iyo darajadooda.

Maamulka Koonfur-galbeed ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo khasaaraha kasoo gaaray shacabka, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo Rooboow oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab balse kasoo goostay uu Baydhabo ka wado olole uu ugu ordayo hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Doorashada lagu wado inay ku tartamaan xubno ay ka mid yihiin Sheekh Rooboow iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dhici doonta magaaladaas 17-ka bisha soo socota ee November, iyadoo ololayaal is-barbar-socda ay ka socdaan magaaladaas.

Ugu dambeyn, Amniga Guud ee magaalada Baydhabo ayaa caawa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka, iyadoo ay ku sugan yihiin goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

PUNTLAND POST