Xaflad Gaalkacyo loogu qabtay Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Nabadon Xaaji Xuseen

Xaflad soo dhoweyn ah ayaa Hotel Aaran ee magaalada Gaalkacyo loogu qabtay Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Nabadon Xaaji Xuseen nabadoonka beesha Ibrahim Cumar, iyadoo xafladaas ay ka soo qayb galeen Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug.

Xafladaan oo ahayd mid loogu talo galay Nabadoonka oo dhawaan kasoo noqday dalka dibadiisa isla markaasna uu soo wakiishay Nabadoon cabduqadir nabadoon Xaaji Xuseen ayaa waxaa halkaasi hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay nabadoonadii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay xafladaas ayagoo kula dardaarmay nabadoonka in si cadaalad ah uga shaqeeyo guud ahaanba danaha umadda soomaaliyeed.