Isgoyska Zope oo la suray BIR lagu xusuusan doono dadkii lagu dilay Weerarkii Oktoobar

Muqdisho (PP) ─ Waxaa Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho oo sanad ka hor 14-kii Oktoobar lagu dilay booqlaal Sooamali ah, kuwo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan ayaa la suray taallo la sheegay in lagu xusuusan doono dadkii halkaas ku dhammaaday.

Taalladan ayaa la sheegay inay tahay mid dadkaas lagu xusuusan doono sannad walba, waxaana shacabka Soomaaliyeed qaarkood ay dhaliileen sida dadkaas loo xusuusanayo, halka kuwo kalena ay ammaaneen.

“Ma ahayn in bir dhibaato ay shacabka kasoo gaari karto xusuus looga dhigo boqollaalkii Soomaalida ahaa ee lagu dilay isgoyskaas maalin cad, laakiinse waxay ahayd in taallo loo suro,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah shacabka ku nool Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa jira shacab kale oo sheegay in tan iyo markii uu qaraxni dhacay aysan muuqan wax calaamad ah oo dadkii ku dhintay lagu xusuusto, tallaabadanna ay tahay mid horumar leh oo muujinaysa in weli dadkii lagu dlay weerarkaas ay ku dhex nool yihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay iay 14-ka bishan Oktoobar oo ku beegan Axadda soo socota ay u sameyn doonto 500-qof ee halkaas ku dhintay xus lagu xusuusanayo, waxaana maamulka gobolka uu sheegay in tani ay dadka Soomaaliyeed u horseedayso inay meel uga soo wada-jeestaan Al-shabaab oo weerarkaas dusha looga tuuray, balse iyadu aysan sheegan.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada abaabulka xuska la doonayo in loo qabto dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

PUNTLAND POST