C/kariin Qalbi-dhagax oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Muqdisho (PP) ─ Mid ka mid ah saraakiisha ururka ONLF C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland, socdaalkan oo ka mid ah booqashooyin kala duwan oo dhawaanahan ku marayay deegaannada Soomaalida.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay qaybaha bulshada iyo madax ka tirsan maamulka Jubbaland wuxuuna kasoo dhoofay magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Soo dhaweyntiisa kaddib ayuu hadal kooban jeediyay, wuxuuna ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Kismaayo, isagoo si gaar ah uga mahad-celiyay shacabka Kismaayo sida Soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweeyeen.

Qalbi-dhagax ayaa inta uu ku sugna yahay Kismaayo wuxuu kulammo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Jubbaland iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo uu uga mahad-celin doono sidii ay uga dhiidhiyeen markii lagu wareejiyay Dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, C/kariin Qalbi-dhagax ayaa horay u soo booqday magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya, halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, isgaoo mahad-celin u jeediyay.

Ugu dambeyn, Qalbi-dhagax ayaa sheegay inuusan doonayn inuu la kulmo madaxda Dowladda Federaalka Somalia oo uu sheegay inay ka ahaayeen mas’uul inay u gacan-geliyeen dowladda Itoobiya, ayna ku tilmaameen inuu yahay cadow Soomaaliyeed, taasoo ay Shacabka Soomaaliyeed aad uga dhiidhiyeen.

PUNTLAND POST