Boqollaal Qoxooti Soomaaliyeed ah oo lagu dilay Deegaanno ka Tirsan Dalka Yemen

Muqdisho (PP) ─ Dad gaaraya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Somalia ee Cadan, Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji oo haatan ah safiirka Somalia ee Suudaanta Koonfureed ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in dadkaas badankooda ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo ay geysteen diyaarado dagaal.

Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda.

Duqeymaha ka socda dalka Yemen ayaa waxaa fuliya xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta, ee iyagana taageerada ka hela dalka Iran.

Sidoo kale, Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dadkan badankood ay ku dhinteen dalka Yemen ayaga oo ka cararaya dhibaatada dalkaas ka taagan ee duqeymaha ay ugu weyn yihiin.

Ugu dambeyn, Dadka dhintay ka sokow, waxaa jira dad dhibaato badan ay haysato, sida qaar ka go’ay lugaha, qaar gacmaha belay, iyo qaar qaba dhaawacyo kale oo halis ah.

Haddaba, DHAGEYSO: Wareysiga ay VOA-da la yeelatay Xuseen X. Axmed

PUNTLAND POST