Baadari mareykanka u dhashay oo Mudo u xirnaa Afganbi ka dhacay Turkiga oo maanta Maxkamda la soo taagayo

Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimca ah dhageysanaysa dacwadda baadari mareykanka u dhashay oo muddo laba sano ah u xiran dowladda Turkiga, arrintaa oo khal-khal gelisay xiriirka Turkiga iyo Mareykanka.

Baadarigan oo lagu magacaabo Andrew Brunson ayaa xariggiisa waxaa ka dhashay muran sababay in labadani dal uu midba midka kale ku soo rogo cuna qabatayn iyo in lacagta dalka Turkiga ee Liiraha ay qiimo dhacdo.

Waxaa jira warar hadda soo baxaya oo sheegaya in labada dowladood ay haatan ku heshiiyeen in maxkamaddu ay maanta laasho dacwadda ka dhanka ah baadarigani.
Bishii October 2016, ayaa Andrew Brunson oo ah baadari kiristaan ah oo ku noolaa Turkiga 23 sano xabsiga la dhigay, taasi oo qeyb ka ahayd olole balaaran oo dowladdu qaaday kaddib inqilaabki fashilmay ee dalkaasi ka dhacay.

Eedeymaha loo heysto ayaa waxaa ka mid ah inuu taagerayay argagixso, hogaankii ka dambeeyay inqilaabki dhicisoobay iyo maleeshiyada kurdishka, eedeymahaasi oo isaga iyo dowladiisuba ay ku gacan seeyreen.

Iyadoo Turkiga lagu eedeeyay in wadaadka ay ku heysato si xoog ah ayaa madaxweyne Donald Trump uu dhawaan furka tuurtay, waxayna Washington cunaqabateyno kusoo rogtay labo wasiir oo Turki ah, isla markaana kordhisay canshuuraha la saaro alaabta Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa si dabacsan uga falcelisay arrintaan waxaana si geyru caadi ah hoos ugu dhacay xiriirka labada wadan iyo lacagta liiraha ee Turkiga.
Maalin ka hor dhageysiga dacwada baadarigan ayaa warbaahinta Mareykanka waxay qoraysaa in Mareykanka iyo Turkiga ay si hoose ugu heshiiyeen in lasii deynayo Brunson, iyadoo ay suuragal tahay in lagu xukumo mudadii uu xabisga ku qaatay,

Madaxweyne Erdogan ayaa ku adkeysanaya inuusan amri doonin in lasii daayo baadarigan maadaama hanaanka cadaalada Turkiga uu yahay mid madaxbanaan, inkastoo Turkiga uu meel dhexe uga jiro caalamka wadamadda hanaankooda cadaalada uu madaxbanaan yahay.

Haddi lasii daayo Mr Brunson maanta, waxaa caadi kusoo noqon karo xiriirka Turkiga iyo Mareykanka.
Balse haddii ay taasi dhici weyso cunaqabateyno badan ayaa la filayaa iyo in ay sii xumaato xiisada ka dhex aloosan labada madaxweyne ee aan la saadaalin Karin go’aanadooda.

XIGASHO BBC SOMALI