Xus Qaran oo loo Sameynayo Shacabkii lagu Laayay Weerarkii 14-kii Oktoobar ee 2017-kii

Muqdisho (PP) ─ Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Somalia ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xunbaha golaha wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxyada kala duwan ee kooxaha argagaxisada ah ay dalka ka gaysteen.

Weerarkii 14-kii Oktoobar 2017-kii ee sannadkii hore ka dhacay Isoyska Zope ee Muqdisho, ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 500-qof, iydoo ay sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo qaarkood weli  aan ka bogsan dhaawacyadii soo gaaray.

Ugu dambeyn, Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuuliyadda weerarkaas ayaa waxaa haddana ay dowladda dhexe ee Somalia waxay ku eedeysay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira, inkastoo kooxdu ay iska fogeysay eedeyntaas.

PUNTLAND POST