Shaqaale ku Dhintay Dhismayo ay ka shaqeeynayeen Muqdisho

Labo ruux ayaa  ku geeriyootay kadib markii uu ku soo dumay darbi ay dhisayeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Falkaasi ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Kaawo Godeey degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaasi ku dhintay allaha u naxariistee  Abshir Cabdulle  iyo Cabdi Waaxid Maxamed mana jirto cid kale oo ku dhaawacantay.

Warbaahinta Puntland Post ayaa arintaasi waxaa ay ka wareeystay  Cismaan Maxamed Macoow oo la dhashay mid kamid ah Marxuumiinta dhintay waxaana wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke.

Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho