Senate-ka Maraykanka oo ku taliyay cunaqabatayn Sacuudiga lagu soo rogo

labo iyo labaatan xubnood oo ka mid ah aqalka senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne Trump u diray qoraal ay ku dalbanayaan in la bilaabo baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la waayey iyo suurta galnimada ah cunaqabatayn la saaro Sucuudiga.

Tallaabadan xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa faraysa madaxweyne Trump in uu cunaqabatayn kusoo rogo Sucuudiga, haddii baadhitaanka lagu ogaado in Sucuudigu uu ku lug lahaa in Mr Khashoggi la waayo.

Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqgi oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Ninkan wuxuu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda, maydkiisiina halkaas laga saaray arrinkaas oo xukuumadda Riyadh ay beeninayso.

Xigasho- BBC