Nin adeerkii dilay kadib markii uu masaafeystay hooyadii Gobolka Mudug

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xalay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii Wiil dil u geystay adeerkii qabay hooyadii oo markii hore masaafeystay.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka maamulka Galmudug.

Ninka falka dilka ah geystay ayaa ka hor inta aanu dilin adeerkii ugu yeeray martiqaad, kadib martiqaadkana dilay.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi.

Sababta uu wiilkaasi adeerkiis hooyadii qabay u dilay ayaa lagu sheegay in uu ka xumaaday masaafada uu adeerkiis masaafeeystay hooyadiis.

Wareysi arrintaas ku saabsan dib kala soco

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post