Madasha Dastuurka oo baaq deg deg ah u dirtay xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Wejiga labaad ee shirka madasha guddiyada Dastuurka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo mudda saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta la soo geba-gabeeyay.

Madasha guddiyada Dastuurka Soomaaliya ayaa shirkan muddadii uu socday uga doodayay dib u-eegista iyo turxaan-bixinta 5-ta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Soomaaliya.

Guddiyada Dastuurka madashu kulmisay ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa isku’raacay in si dhakhso ah loo bilaabo wax ka beddelka iyo dib u-eegista 5-ta cutub ee looga dooday shirkan,islamarkaana dhinacyadu ay wada-tashi ula noqdaan degaannada ay ka kala yimaadeen.

Sidoo kale war-murtiyeed ka soo baxay madasha ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka loogu baaqay in ay heshiis deg deg ah ka gaaran qodobka 54 aad ee Dastuurka dalka oo la xiriira awood-qeybsiga,si looga hortago dib u dhac ku yimaada dhammaystirka cutubyada dib u eegista u baahan.

PUNTLAND POST