Gudoomiyaha Cadaado” Waan Joojin Doonaa Doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug”

Gudoomiyaha  degmada Cadaado Cabdi Kariim Maxamuud Cilmi  oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ee Puntland Post ayaa sheegay in ay ka hortagayaan doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug oo dhowaan ay sheegeen Garabka Cadaado in ay ka dhaceeyso magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanay u dul qaadan doonin qala laaso ka dhaca magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug.

Mar aan wax ka weeydiinay Gudoomiyaha masuuliyiintaasi oo wata ciidamo iyo ciidamadooda in ay isku dhacaan ayuu sheegay in masuuliyada arintaasi ay qaadeeyso cidii doorashadaasi qabato.

Xubnaha madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaankaasi iyo xildhibaano katirsan Gal-Mudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxa ay ku sheegeen in xilka ay ka qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

.Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post