Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Abdulaziz

Riyadh (PP) ─  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Mudane Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kulan midkaan ka duwan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo  madaxda sare ee  boqortooyada Saudi Arabia.

Ugu dambeyn, Kulanka ay wada qaaateen RW Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa waxaaa goob-joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

PUNTLAND POST