Kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayeey Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ku doorteen Gudoomiye Cusub.
Xildhibaanada ayaa u doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed in uu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Ismaaciil Cabdulle Axmed uu helay 93-cod sidaasina uu ku guuleeystay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa kala noqday labo garab halka xildhibaano kalena ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado.
Arintaan ayaa u muuqata in ay sii hurineeyso khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Gal-Mudug.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post