Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi

Wasiir Cawad iyo safiirka Germany oo saxiixaya heshiisyada

Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday laba heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay shalay Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan.

Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya € 9.7 milyan.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

PUNTLAND POST