Shir looga hadlay Dib-u-eegida Dastuurka iyo Doorashoooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Dastuurka Somalia, ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulankaan waxaa ka soo Qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

“Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Ka-qayb-galayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, Waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha DF Maxamed C/risaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee shacabka ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

PUNTLAND POST