Ra’iisul wasaare Khayrre oo u dhoofay Saudi Arabia

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayrre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay dalka Saudi Arabia.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqasho ku tegaya magaalafa Riyaadh ee caasimadda boqortooyada Saudi Arabia,halkaas oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Dowladda Saudi Arabia ayaa diyaarad khaas ah u soo dirtay wefdiga ra’iisul wasaare Khayrre,taas oo ka qaadday garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma,xoojinta xidhiidhka walaaltinimo iyo islaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia,sida uu sheegay mas’uul ka tirsan xafiiska Xassan Khayre.

PUNTLAND POST